Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa heshiis cusub la gaadhay difaaceeda bidix ee Luke Shaw oo qalinka ku duugaya qandaraas cusub oo uu cimrigiisa ugu hibaynayo Old Trafford.
Heshiiskii hore ee Luke Shaw ee Manchester United oo uu toddobaadkii ku qaadan jiray mushahar gaadhaya £150,000 Gini, ayaa waxa uu ekaa sannadka 2024, hase yeeshee waxa hadda lasoo gabogabeeyey qandaraas cusub oo afar sannadood ah oo sare u qaadaya mushaharka daafaca reer England.
Tababare Erik ten Hag oo kalsooni weyn ku qaba Luke Shawe oo uu ka ciyaarsiiyo difaaca bidix iyo difaaca dhexe intaba, ayaa dedejiyey heshiiskan, isaga oo doonaya in aanay dhaxdooda soo gelin hadal-hayn mustaqbalka laacibkan ah oo wiiqi karta xidhiidhkooda.
Luke Shaw oo ay da’diisu tahay 27 jir, ayaa waxa uu heshiis cusub u saxeexay Manchester United bishii December, markaas oo ay Red Devils hirgelisay qodob dhigayay inay 12 bilood ku kordhin karto qandaraaskiisa hore oo dhacayay dhamaadka xilli ciyaareedkan.
about:blank
Sannadkii 2014 ayay Manchester United kasoo iibsatay Luke Shaw kooxda Southampton waxaanay kasoo bixisay £30 milyan oo Gini.
United ayaa waxay hadda u jeedsan doontaa dhinaca labada ciyaartoy ee laf-dhabarta ah ee David de Gea iyo Marcus Rashford oo toddobaadyadii ugu dambeeyey ay hadal-hayn ka taagnayd mustaqbalkooda.
Goolhayaha reer Spain oo ah ciyaartoyga ugu mushaharka badan Manchester United oo uu toddobaadkii ka qaato lacag gaadhaysa £375,000 Gini ayaa la sheegay inuu diiday heshiis cusub oo ay kooxdu u bandhigtay, halka Rashford ay u gacan-haadinayso PSG oo mushahar waalli ah u ballan-qaadday.
David de Gea iyo Marcus Rashford ayay qandaraasyadoodu ku egyihiin sannadka 2024.