Man United Oo La Heshiisay Saxeexeeda Koowaad Ee Xagaaga & Booska Uu Ka Ciyaaro

Man United ayaa u muuqata mid heshiiska shaqsiga ah lasii gaadhay saxeexeeda ugu horreeya ee ay isku soo xoojinayso suuqa xagaaga sanadkan.

Saxeexaas ayaa la sheegayaa inuu noqonayo daafaca dhexe ee kooxda Napoli ku hoggaamiyay horyaalka Serie A ee Kim Min Jae.

Il-wareedka Napoli u dhaw ee II Mattino ayaa sheegaya in Manchester shaqsiyan la heshiisay Kim oo doortay inuu u wareego Old Trafford.

Heshiiska Kim Min Jae ayaa 51 Milyan oo pound lagu jabin karaa bilawga bisha July sida uu sheegayo qoddob qandaraaskiisa ku jiraa, Manchester ayaa sugaysa wakhtigaas inay lacagta bixiso.

Dhawaan ayay ahayd markii madaxweynaha kooxda Napoli ee Aurelio De Laurentiis uu sheegay inuusan filayn inuu ciyaartoy xilli ciyaareedkan muhiim usoo ahaa guulahooda iibiyo suuqa xagaaga sanadkan.

Kim ayaa Napoli kusoo biiray sanadkii hore ee 2022 isagoo heshiis 15 Milyan oo pound ah markaas ugaga yimid kooxda Turkish-ka ah ee Fenerbahce.

Xilli ciyaareedkan Kim Min Jae ayaa 43 kulan usoo ciyaaray Napoli isagoo 2 gool usoo dhaliyay 15 kulana shabaqiisa ilaashaday horyaalka.

Ten Hag ayaa doonaya in 26 sano jirkani la tartamo Raphael Varane oo 30 jir ah dhaawaciisuna batay halka uu sidoo kale doorarka labada daafac dhexeba si isku mid ah uga ciyaari karo.