Man United iyo Wolves – Rajada kalinta Ee Man United Oo Miiska Saaray, Xiddiga Weyn Ee Ka Maqan & Midka Usoo Laabtay

Manchester United ayaa galabta gegida Old Trafford kusoo dhawayn doonta dhigeeda Wolverhampton Wanderers kulan wax badan ka go’aamin kara xilli ciyaareedkooda.

Man United ayaa guuldarrooyin is-xigay oo soo gaadhay kaga caawisay Liverpool inay markale ku riyooto usoo bixitaanka Champions League ee xilli ciyaareedka dambe, Red Devils ayaa haatan kaliya hal dhibic ka sarreeya Reds oo culays badan soo saaray.

Wararka Labada Kooxood

Warka naxdinta ku ah Manchester ayaa sida uu tababare Erik Ten Hag xaqiijiyay ah dhaawaca hoggaamiyaha weerarkooda ee Marcus Rashford oo dhaawac fududi lugta kasoo gaadhay shakina ku jiro taam ahaanshihiisa kulankan. Warka u fiian United ayaa ah soo laabashada daafacooda dhexe ee Raphael Varane oo mudo toddobaadyo ah garoomada ka maqnaa.

Dhinaca kale waxa wali kasii maqnaan doona Man United xiddigaha kala ah Tom Heaton, Phil Jones, Lisandro Martinez, Donny van de Beek iyo Scott McTominay.

Wan Bissaka ayaa la filayaa inuu Dalot kaga soo hormaro daafaca midig, Varane ayaa haddii uu toos shaxda ugu soo laabto ka garab dheeli doona Lindelof iyadoo Luke Shaw daafaca bidix loo celinayo.

Casemiro iyo Eriksen ayaa la filayaa inay markale khadka dhexe kusoo wada bilawdaan iyadoo Bruno Fernandes ka horreeyo.

Sancho iyo Antony ayay macquul tahay inay labada garab ciyaaran maqnaanshaha Rashford xilli Martial No.9 ciyaarayo.