Mahiigaano la filaayo inay da’aan 14-21ka march.

Roobab Mahiigaano ah iyo kuwo dhexdhexaad ah ayaa ka hoori doona qaybo ka mid wadamada Geeska Afrika, laga bilaabo 14 ilaa 21 March.

Waxaa kale oo la filayaa in uu heer-kulku kordho celcelis ahaan marka loo eego usbuucyadii hore, Sida ay tilmaamayso Sadaasha cimilada toddobaadka, ee ay soo saarto IGAD ( ICPAC).

Roobabka la filayo in ay ka da’aan geeska Afrika ayaa lagu qiyaasayaa 50 mm ilaa 200mm.

Fiiro gaar ah: 1 mm roobka ahi wuxuu u dhigmaa 1 litir oo biyo ah halkii mitir oo laba jibbaaran.