Afar ciyaartoy oo kaliya ayaa farriimo macasaalamayn ah u diray tababarihii ay Chelsea eriday ee Graham Potter, halka inta kale ee ciyaartoydiisuna ay afka ka xidheen, waxaanay arrintaasi muujinaysaa in ciyaartoydu ay aad uga soo horjeedeen oo ay necbaayeen tababarahan reer England.
Potter oo ay Chelsea shaqada ka caydhisay Axaddii kaddib guul-darradii Aston Villa ay ugu xambaarisay Stamford Bridge ayaa waxa uu shaqadiisa ku waayay muddo toddoba bilood ka yar, isaga oo horena usoo seegay kooxdiisii Brighton oo aan tabin bixitaankiisa markii uu ka doortay lacagta Chelsea.
47 jirkan oo waqtigii uu Chelsea yimid aad loo buun-buuninayay ayaa waxa uu ka tegay Stamford Bridge oo aanu wax saaxiibbo ah ku lahayn, isla amrkaana ciyaartoydii uu maamulayay ay u cadhaysan yihiin.
Xurgufta ka jirtay qolka labbiska iyo in ciyaartoydu ay gaadheen heer ay ku maadsadaan ayaa ahayd wax aan la dafiri karin, iyaga oo qaarkood ula baxay magacyo ay ku liidayaan.
Isniintii markii uu Graham Potter ka baxay Chelsea ayaa waxa farriimo u diray afar ciyaartoy oo midkood uu hore ugu soo laayliyey Brighton & Hove Albion, mid ku cusub kooxda iyo labo kale.
Difaaca bidix ee reer England ee Ben Chilwell ayaa farriin sagootin ah u qaddimay Potter, ka hor intii aanu saxeexii cusbaa ee January ee Noni Madueke oo ay 29 milyan oo Gini kaga soo iibsadeen PSV Eindhoven aanu isaguna uga mahadcelinin kalsoonidii uu siiyey.
Waxa kale oo iyaguna sagootiyey Marc Cucurella oo hore uu ugu soo layliyey Brighton ka hor intii aanay labadooduba imanin Chelsea dhawr bilood gudahood, iyo weeraryahanka kasoo baxay kulliyadda ee kasoo Armando Broja oo dhaawac ku maqnaanaya xilli ciyaareedka oo dhan.