Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa Axadii sheegay in hal maalin gudaheed uu ku joojin karo dagaalka Ukraine hadii mar kale loo doorto xilka madaxtinimada Mareykanka, isagoo wacad ku maray in dalkiisa uu ka ciribtiri doono waxa uu ku tilmaamay dowlad dalka ku hoggaamisa jiho aan sax ahayn.
Isagoo ka soo hor muuqday dad badan oo taageerayaashiisa ah intii uu socday shirka sanadlaha ah ee hoggaamiyeyaasha xisbigiisa, Trump wuxuu ballanqaaday inuu soo afjarayo colaadda iyo dagaalada oo jirtay muddo sannad ka badan, isagoo yidhi: “Anigaa xallin doona dhibaatada, waxaanan uxallin doonaa, sida ugu dhakhsaha badan, mana qaadan doonto wax ka badan hal maalin, si fiican ayaan u garanayaa waxa aan ku odhan doono labada dhinac,”.
Intii lagu guda jiray shirka saddexda maalmood ee garabka midig ee xisbiga kana dhacay Washington, D.C., Trump wuxuu ku nuuxnuuxsaday in aanay jiri doonin dagaallo dambe, isagoo yiri, “Waxaan si fudud uga hortagi doonaa dagaalkii saddexaad ee aduunka.”