
Madaxweyne Putin oo bogaadiyay wadahadallada Mareykanka, sidoo kale sheegay in Ruushku diyaar u yahay wada-xaajood lala yeesho Ukraine.
Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa sheegay in loo soo tabiyay warbixinta natiijada wada-hadalladii Ruushka iyo Mareykanka ee ka dhacay Sacuudiga, islamarkaana uu ku qancay natiijada ka soo baxday. sida ay baahiyeen warbaahinta Ruushku. Warkan ayaa ku soo beegmaya xilli xiisadda u dhaxeysa Mareykanka iyo Ukraine ay cirka ku sii shareertay.
“Haa, waa la ii sheegay nuxurka shirka. Waxaan u arkaa inay yihiin kuwo miro-dhal ah,” ayuu yidhi Putin, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Interfax maalintii Arbacada. “Waxaan filayaa in la qaaday tallaabadii ugu mudnayd ee lagu soo celinayo wadashaqeynta dhinacyo kala duwan oo dano wadaag ah.”
Mas’uuliyiin ka kala socda Mareykanka iyo Ruushka ayaa Salaasadii ku kulmay Sacuudiga, taasoo ahayd markii ugu horreysay oo labada dal ay kullan heer sare ah isugu yimaadaan tan iyo markii uu Ruushku si buuxda u weeraray Ukraine ku dhawaad saddex sano ka hor.
Kullankan wuxuu muujinayaa isbeddel weyn oo ku yimid siyaasadda Mareykanka taasoo hore cunaqabateyn ballaadhan ku soo rogtay Ruushka.
Dowladda Ukraine iyo dalalka Yurub oo laga reebay miiska wadahadallada wadahadallada ee kullankii Riyaad, taasoo walaac xooggan ka dhashay.
Putin wuxuu sheegay in Ukraine aysan ka maqnaan doonin dadaallada lagu soo afjarayo dagaalka, balse waxa uu xusay in Ruushka iyo Mareykanka ay u baahan yihiin in ay is-aaminaad dhisaan si xal waara loo gaadho.
“Suurtagal ma aha in la xalliyo arrimo badan, oo ay ku jirto xiisadda Ukraine, iyada oo aan la kordhin heerka kalsoonida ee Ruushka iyo Mareykanka,” ayuu yidhi.
Wuxuu intaa ku daray in uu jeclaan lahaa inuu si fool-ka-fool ah ula kulmo Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, balse ay tahay in kulankaas si habsami leh loo diyaariyo.
Sidoo kale, Putin wuxuu ku dooday in Ruushku uusan marnaba diidin wadahadallo lala yeesho dalalka Yurub, balse ay iyagu diideen inay la xidhiidhaan Ruushka.