Madaxweyne hore Trump oo sheegay in Iran ka hor weerarka israa’iil ay isaga lasoo hadashey

Madaxweynihii hore ee Maraykanka Trump ayaa sheegay in Iran la soo xidhiidhay iyaga oo u sheegaaya in ay weerarayaan saldhigooda ay ku leeyihiin Ciraaq si ay uga aargoostaan dilkii Jeneraalka Qaasim Suleymaani ee sannadkii 2020 kii.

Waxa kale oo uu intaas ku daray in ay u sheegeen in ay gsntaaladooda ku shufanayaan hareeraha saldhiga, tana ay uga gol leeyihiin in ay iska yareeyaan cadaadiska ka haysta gudaha.

Trump ayaa hadalkan ka sheegay munaasabado kala duwan oo ololaha doorashada bilihii la soo dhaafay, isaga oo sheegay in Iran ay si ula kac ah uga fogaatay in ay garaacdo saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada Mareykanka ee Ciraaq markii ay gantaalo ku garaacday saldhigga bishii Janaayo 2020.

Weerarkii Iran ku qaaday saldhiga Ciraaq ee Maraykanka 2020 Inkastoo aysan jirin askar Mareykan ah oo la dilay, balse in ka badan 100 askari ayaa laga helay dhaawacyo fudud oo maskaxda ah.

Hadalkan ayaa dib ugu soo maaxday xasuusta dadka xalay markhaatiga ka ahaa weerarkii Iran ku qaaday Israa’iil iyagoo ka shakisan in isla weerarkanina la mid yahay kii 2020 oo sheekadaba laysla og yahay.