Madaxweynaha Soomaaliya oo tagey Furimaha Dagaalka .

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray gobolka Shabeellada Dhexe, gaarahaan deegaanka Wargaadhi halkaa oo ay ku suganyihiin ciidamo ka tirsan kuwa dowladda.

Sida ay baahisay warbaahinta dowladda ujeedka socdaalka madaxweynaha ayaa ku saabsan wax lagu tilmaamay dardargelinta dagaalka ay dowladdu kula jirto al-Shabaab.

Gobolka Shabeellada Dhexe waxaa uu ka mid yahay meelaha ay ka dhaceen dagaallada xooggan ee dhexmaray al-Shabaab iyo cidamada dowladda.