Madaxweynaha Somaliland oo safar ugu baxaya Gobolada Bariga Somaliland.

Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha somaliland ayaa saaka safar ugu baxaya magaalada berbera ee gobolka saaxil taasi oo bar bilow unoqoneysa safarkiisa uu ugu baxayo Gobolada bariga somaliland .

Safarkiisan ayaa noqonaya kii ugu dambeeyey ee uu ugu baxo Gobolada Bariga maadama oo somaliland looga dareerayo Doorashooyinka isa saarka ah ee madaxtooyada iyo Ururada .

Safarka Muuse Biixi ayaa kusoo beegmaya Xilli Xaaladda Somaliland ay tahay mid ku jirta marxalad doorasho iyo isbedelo siyaasi ah oo ka dhex socda Asxaabta siyaasada somaliland.

Muuse Biixi ayaa somaliland soo hogaaminayey Todobadii sanno ee ugu dambeeyey waxaana Mucaaradku ku eedeeyaan xukunkiisu inuu yahay mid awood ku dhisan oo ay ka muuqato kaliye Talisnimo.