Munaasibadda Ciidul Adh-xa ayaa maanta si weyn looga ciidday deegaannada Jamhuuriyadda Somaliland, iyada oo kummaan qof ay isugu soo baxeen Masaajidda iyo goobo fagaareyaal ah oo loogu talo galay in dadku Salaadda Ciidda ku tukadaan.
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, ayaa salaadda Ciidda kula tukaday Dadweynaha Masjid-Jaamaca weyn ee magaalada Hargeysa, halkaas oo isaga iyo Madax kale ay dadweynaha kula hadleen.
Muuse Biixi ayaa shacabka Somaliland ugu hambaleeyey munaasibadda Ciidda, isaga oo Ilaahay uga baryey in acmaasha wanaagsan ee ay sameeyeen bisha Dul-xaja inuu ka aqbalo.
Madaxweynaha Somaliland, waxa uu si gaar ah uga hadlay saameynta isbeddelka Cimiladu ku yeelatay Somaliland “Waxa imika soo korodhay cimiladan isbeddeshay, oo roobabkii xilligii la filayey way kasoo hor marayaan ama way ka daahayaan, haddii uu da’ o roobkuna, wuxuu la imaanayaa daadad iyo duufaanno xoog leh”. Ilaahay waxa aan ka baryeynaa cimiladaas Isbeddeshay in Alle sharkeeda innaga hayo” Ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.
Magaalooyinka kale ee Somaliland sida Burco, Berbera, Ceerigaabo, Boorama iyo deegaannada kale ayaa si weyn looga oogay Saaladda Ciidul Adhxa , oo maanta dunida Muslimka laga ciiday.