Madaxweynaha Somaliland ayaa Fariin adag udirey Ciidamada Ku dagaalamaya Gobolka Sool.

Madaxweynaha somaliland Muuse Biixi Cabdi oo xuska 18-ka may kaga qayb galey Magaalada Hargeysa ayaa khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyey xuska munaasibaadaasi.

Madaxweynaha somaliland ayaa ugu horeyn uhambalyeeyey shacabka somaliland munaasibadan awgeed Sidoo kale madaxweyne biixi ayaa ciidamada milateriga somaliland ku amaaney sida ay usugayaan xuduudaha somaliland la wadaagto Dalalka la jaarka ah.

Madaxweyne Biixi ayaa ka hadlay dagaalada ka socda Gobolka Sool wuxuuna sheegay inuu dagaalkaasi socon doono inta somaliland qayb dhulkeeda kamid ah ay ku sugan yihiin cadawga soo duuley waa sida uu hadalka udhigee.