Madaxweyne biden oo soo dhaweeyey waaran kasoo baxay icc oo lagu soo xidhayo hogaamiyaha ruushka.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa soo dhaweeyey waaranka ay maxkamadda dambiyada dagaalka ee ICC u jartay Putin si loo soo xidho. ICC ayaa madaxweyne Putin ku eedeysay inuu dambiyo dagaal uu ka geystay dalka Ukraine.

Madaxweyne Biden wuxuu sheegay inuu shaki ku jirin Putin inuu dambiyo dagaal galay.

Biden oo warfidiyeennada la hadlayey wuxuu sheegay “Putin inuu dambiyo dagaal uu ka geystay inti uu socday dagaalka Ukraine”.

Dacwadda ay maxkamadda ICC ku soo oogtay Putin ayey diiradda ku saartay Moscow carruurta ay Ukraine ka qaaddo oo ay Ruushka geyso.

Moscow oo beenisay eedeymaha loo soo jeediyey isla-markaana cambaareysay ayaa ku tilmaantay “wax laga xumaado”.

Amarka ay ICC soo saartay oo ay ku sheegtay in Putin la soo xiro ayaan u muuqan mid aan suuragaleyn maadaamaa loo baahan yahay waddanka qofka la dooonayo in la soo xiro uu gacan ka siiyo.

Ruushka oo aan xubin ka ahayn maxkamadda ICC uu fadhigeedu yahay magaalada Hague ayaa dalka Ruushka wax awood ah ku laheen.

Balse amarka soo xiritaanka ee ay maxkamadda ICC bixisay ayaa Putin ka sameyneso dhanka socdaalka uu ku aadayo meela waddankiisa ka baxsan maadaamaa ay dhici karto maxkamadda qofka ay soo qabaneyso iney waddan kale ka soo xirato.

Waxayna maxkamadda Putin soo xiri kartaa oo kelei haddii uu cagta dhigo mid ka mid ah 123 waddan ee xubinka ka ah maxakamadda dambiyada dagaalka ee ICC.

Putin ayaana noqonaya madaxweynihi seddexad oo ay maxkamadda ICC waaran soo qabasho u jarto.