Madaxweynaha Chad oo cafis u fidiyay 259 maxaabiis ah .

Dadkaas ayaa lagu xukumay dambiyo ay ka mid yihiin burbur hanti, rabshado iyo weerar intii uu socday iskahorimaadka oo ay ku dhinteen 73 qof.

Madaxweynaha dalka Chad Mahamat Idriss Deby Itno ayaa isniintii cafis u fidiyay 259 qof oo kamid ah 262 qof oo bishii December lagu xiray iska hor imaad dhimasho iyo dhaawac sababay oo dhex maray booliska iyo dad ku mudaaharaadayay magaalada caasimada ah ee N’Djamena.

Dadkaas ayaa lagu xukumay dambiyo ay ka mid yihiin burbur hanti, rabshado iyo weerar intii uu socday iskahorimaadka oo ay ku dhinteen 73 qof.

Arrintaan ayaa ku soo beegmaysa maalmo ka dib markii 380 fallaago ah oo loo haystay geeridii hoggaamiyihii hore ee Idriss Deby lagu xukumay xabsi daa’in.

Marxuum Idriss Deby ayaa ku dhintay howlgal ka dhan ah fallaagada sanadkii 2021-kii, wuxuuna dalka xukumayay muddo 30 sano.