Madaxweynah Ukrain oo dalab adag hor dhigey Mareykanka.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa booqasho ku jooga Maraykanka wajigii u dambeeyay ee ololaha Kyiv si uu uga dhaadhiciyo quwadaha reer galbeedka inay ogolaadaan adeegsiga gantaalada riddada dheer si loo duqeeyo bartilmaameedyada gudaha Ruushka.

Gelinka dambe ee Isniinta maanta ah waxa uu khudbad ka jeedin doonaa shir madaxeedka madaxda adduunka oo ka dhacaya xarunta Qaramada Midoobay ee New York, ka hor inta uusan ka qeybgalin shirka golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay oo Talaadada looga hadlayo xaaladaha Ukraine.

Mr Zelensky ayaa sidoo kale lagu wadaa inuu u safro magaalada Washington si uu ugu bandhigo qorshaha Kyiv ee lagu soo afjarayo dagaalka Ruushla, madaxweyne Joe Biden, waxa uu ku tilmaamay “qorshe guul ah “. Axaddii shalay, Mr Zelensky waxa uu booqday warshad hubka samaysa oo ku taal Pennsylvania taas oo soo saarta madaafiicda Ukraine ay sida degdeg ah ugu baahan tahay waxana uu u mahadceliyay shaqaalaha halkaas jooga.