Maamulka Gobolka Saaxil oo ka hadlay koronto xumada ka jirta Magaalada Berbera.

Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Axmed Maxamed Xaashi oo wareysi gaar ah siiyey Telefishanka MMTV ayaa ka hadlay xaalada amni ee gobolka saaxil waxa uu sheegay in xaalka gobolka saaxil uu yahay mid nabad galyo ah .

geesta kale waxa uu ka hadlay cabasho ka dhalat adeega korontada ee gobolka saaxil iyo magaalada Berbera oo dadweynaha ku dhaqan gobolkaasi ay aad uga dayriyeen xaalada Koronto ee gobolka saaxil oo ah mid tayadiisu aad uliidato.

Magaalada Berbera ayaa habeenki xalay ahayd waxa ay ahayd mid uu ka maqnaa adeega korontadu sida lagu arkaayey isla markaana ay tabinayeen warbaahinta qaybahooda kala duwan.