Lix askari oo u dhashay dalka Peru ayaa ku dhintay wabi ku yaal dalkaasi.

Lix askari oo u dhashay dalka Peru ayaa ku dhintay wabi ku yaal dalkaasi.

Lix askari oo u dhashay dalka Peru ayaa qaraqmay ka dib markii ay ku boodeen wabi qabow xilli ay ka baxsanayeen mudaaharaadayaasha dawladda ka soo horjeeda ee koonfurta dalkaasi.

Wasaaradda gaashaandhigga ayaa sheegtay in askartu ay la kulmeen weerar kaga yimid dad ku hubeysnaa bistoolado iyo ulo, dibadbax lagaga soo horjeeday xukuumadda madaxweyne Dina Boluarte oo Axaddii ka dhacay magaalada Ilave ee gobolka Puno.
“Meesha haraadiga yaalay… dadaallada goobidda iyo samatabbixinta ayaa la soo gabagabeeyay,” ayay wasaaraddu ku tiri Qoraal ay soo saartay.

Meydadka askarta ayaa laga soo saaray wabiga Ilave, oo mara harada Titicaca oo ku taal xadka u dhaxeeya Peru iyo Bolivia.

Shan askari oo kale ayaa sidoo kale la il daran hypothermia ka dib markii la isku dayay in laga gudbo wabiga,ayey wasaaradu sii raacisay hadalkeeda.