Liverpool ayaa la sheegayaa inay dhigeeda Paris Saint-Germain wadahadalo heshiis hal sano oo amaah ah kagala jirto saxeexa weeraryahan Kylian Mbappe.about:blank
Mbappe ayaa qandaraaska uu ku joogo garoonka Parc des Princes ayaa ah mid hal sano wax ka yari ka hadhay wuxuuna kooxda ku wargeliyay inuusan wax heshiis kordhin ah samayn doonin.
Mbappe ayaa sugaya heshiiska riyada ee uu ugu wareegayo Real Madrid xagaaga 2024, kooxda ree Spain ayaan u muuqan mid aan haatan awoodin amaba aan bixinayn 200 Milyan ee pound ee PSG ku doonaysa iibka 24 sano jirkaas.
Mbappe ayaa dhawaan diiday dalab 300 Milyan oo euro ah oo ay Al Hilal uga soo gudbisay PSG iyagoo isagana shaqsiyan mushahar 700 Milyan oo euro ah sanadkii usoo bandhigay.
Sida uu haatan sheegayo wargeyska Mirror, Liverpool ayaa la timid qorshe ay Mbappe kaga heli karto PSG oo ah inay hal sano oo amaah ah kusoo qaadato iyadoo waliba lacag badan ka bixinaysa amaahdaas.
Dalabka Liverpool miiska soo saartay ayaa cidkasta faa’ido u ah, PSG ayaa lacag ku helaysa, Mbappe ayaa kasoo dhaqaajinaya Paris halka sanad kaddib marka heshiiskani dhammaado uu xor ugu biiri karo Real Madrid.
Mbappe ayaa soo dhaweeyay wadahadal uu ugu biirayo Liverpool kahor inta uusan PSG dooran 2018 isagoo markastana ahaa mid amaana kooxda macalin Jurgen Klopp.