Kuuriyada Waqooyi oo Digniin kama dambeys ah udirtay mareykanka iyo koonfurta kuuriya.

Kuuriyada Waqooyi oo Digniin kama dambeys ah udirtay mareykanka iyo koonfurta kuuriya.

Kuuriyada Waqooyi ayaa ugu baaqday Qaramada Midoobay in ay si deg deg ah u joojiso dhoolatuska milatari ee ay wadajirka u sameynayaan Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed.

Hadal ka soo baxay warbaahinta dowladda ayuu ku sheegay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Waqooyi kuuriya Kim Son Gyong in dhoolatusyada iyo hadallada ka soo yeedhaya xulafada uu hogaaminayo Mareykanku ay xiisadda gaadhsiiyeen meel aad uxun.

Wuxuu sheegay in Qaramada Midoobay iyo beesha caalamku ay ku khasbanaan doonaan inay si adag ugu booriyaan Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed inay deg deg ah u joojiyaan hadallada kicinta ah iyo dhoolatuska militari ee ay wadajirka usameynayaan.

Hadalkan ayaa imanaya ka dib markii mas’uuliyiin ka kala socda Seoul iyo Washington ay ku dhawaaqeen Jimcihii in ka badan 10 maalmood oo dhoolatus militari ah oo ballaadhan, oo ay ku jiraan cagajugleyn, laga bilaabo Maarso 13 ilaa 23 ay sameyn Doonaan