Kulan Amniga Somaliland lagaga Hadlayo Oo Hargeysa lagu qabtay.

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed ayaa shir gudoomiyey kulan ku saabsan adkaynta amniga Xuduudaha Jamhuuriyadda Somaliland, kaasoo ka qabsoomay Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Kulankan ayaa lagu Lafa-guray sidii loo xoojin lahaa amniga Xuduudaha Dalka iyo sidii looga hortegi lahaa cidkasta oo isku dayda in ay Dalka ku soo gasho sharci darro, kulan waxaa ka soo qaybgalay Taliska Ciidanka Socdaalka iyo ilaalinta Xuduudaha, Taliska Ciidanka Booliska, Gudoomiyaha Gobolka Maroodijeex, Maayarka Kuxigeenka Caasimada iyo Agaasimaha Guud ee Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL.

Kulankan ayuu Wasiirku faray laamaha amniga iyo Taliska Ciidanka Socdaalka iyo ilaalinta Xuduudaha Dalka in ay xoojiyaan amniga Xuduudaha iga oo kaashanaya Hay’adaha kale ee amniga.