kudbadii Madaxweyne Muuse Biixi iyo waxyaabaha uu sida gaarka utaabtay ee Bulshadu sugeysay .

Madaxweynaha somaliland ayaa maanta si rasmiya waxa uu khudbad sanadeedkii dastuuriga ahayd uu ka hor jeediyey labada gole barlamaan ee somaliland guurtida iyo wakiilada .
muuse biixi ayaa khudbadiisa kaga hadlay xaalada somalilad iyo talada labadii xukuumadood ee kala dambeeyey ee xisbiga kulmiye 2010 ilaa 2023 oo uu si gaar ah utaabtay intii uu joogey xukunka wixii uu somaliland ka hirgaliyey.


Adeegyada bulshada sida caafimaadka biyaha iyo waxbarashada ayuu tilmaamey in xukuuadiisa wax weyn ka qabatay haddii ay noqoto tayada wax soo saar iyo dhanka shaqo abuur ee goobahan adeegyada bulshada si gaar ah muuse biixi wuxuu ugu dheeraaday adeega biyo gaadhsiinta caafimaadka oo uu sheegay in hargeysa heshay inteeda badan biyo ku filan iyaoo isla wakhti dghowna la hirgelin dhaam biyoodkii ugu weynaa ee somaliland laga hirgeliyo ee somaliland yeelato kaasi oo laga dhsi doono caasimada hargeysa.


Sidoo kale madaxweyne biixi ayaa hadalkiisa kusoo qaatey shaqaaqadii dhawaan ka dhacday buurta gacan libaax oo heshii laga gaadhey soo afjarideeda isla markaana xukuumadu cafis ufiday wakhtigii heshiisku dhacey balse hadalka maanta ee ahaa in sharciga la horgeyn doono dadkii buurta fuuley aya aumuuqda mid ay xukuumadu kaga baxday balankii la galay wakhtigaasi kaasi oo soo gabagabeeyey khilaaf in muddo ah ka taagna arrimaha doorashooyinka somaliland .


Madaxweynaha somaliland ayaan khuddbadiisa kaga hadal daghaalkii ka dhacey gobolka soolee somaliland kaasi oo somaliland kaga soo baxday bariga gobolka sool iyo fadhiisimahoodi Gooja-cadde ,Tukaraq iyo goobo fara badan , iyagoo hadda fadhiisimo ka dhisgtay deegaanada degmada Oog oo isla gobolka sool ah .

FG: Xildhibaanasda Golaha wakiilada ayyaa badankoodu aan kasoo xaadirin khudbad sanadeedkan iyadoo xildhibaanada ka maqnaa Golahana lagu qiyaasey 50 Xildhibaan .