Kooxda TPLF ayaa ka hadashay maamul u samaynta gobolka waqooyi.

Kooxda TPLF ayaa beenisay in ay maamul ku meel gaadh ah ka dhisteen gobolka waqooyi, Wakaaladaha wararka ee maxaliga ah ayaa sheegaysa in kooxda TPLF ay soo gabagabaysay dhismaha maamul ku meel gaar ah oo ka kooban 28 xubnood, kaas oo u baahan ogolaanshaha dawladda dhexe.Dhanka kale, afhayeenka kooxda TPLF Getachew Reda ayaa sheegay in maamulka ku meel gaadhka ah ee Tigray la dhisi doono oo kaliya ka dib wada tashiyo dhexmara dhinacyada qaybta ka ahaa heshiiska Pretoria.