Kooxaha Real Madrid Iyo Bayern munich oo gaadhey wareega Afar dhamaadka Koobka Champion-ka Yururb.

kooxda kubada Cagta Real Madrid ayaa guul cajiib ah ka gaadhay dhigooda Manchester City oo isku haleelay Horyaalka Horyaalada Yurub.
Kooxda Real Madrid waxay gaadhay Tariikhda markii saddexaad oo ay ka reebtay kooxda pep Guardiola Horyaalka Yurub waxaanay isku aadi doonaan Kooxda Bayern Munich ee Reer jarmal Afar dhamaadka Tartankan oo xiiso gaar ah leh Ciyaartoyga reer Yurub.

sidoo kale Kooxda Bayern Munich ayaa iska Xaadirisay Wareega afar dhamaadka Koobkaasi Champion-ka kadib markii ay hal gool iyo waxba kaga adkaatey Kooxda Arsenal oo marti ku ahayd garoonka Allian sarenia.

Kooxaha Real madrid Iyo Bayern munich ayaa wada ciyaari doona wareega Afar dhamaadka ee koobkaasi Champion-ka.

dhanka hanashada Koobkan ee labadani kooxood ayaa waxay kala haystaan.

Real madrid 14 jeer

Bayern munich 5 Jeer.