Kooxda Man City ayaa ku guuleysatay koobka Kooxaha Dunida.

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa ku guuleysatay Koobka Naadiyada Adduunka ee Fifa Club World Cup markii ugu horreysay taariikhdeeda, waxaanay 4-0 ku karbaashtay naadiga reer Brazil ee Fluminense.

Manchester City ayaa guusheeda meel saaratay 40 ilbidhiqsi oo kaliya markii ay ciyaartu socotay, markaas oo uu hoggaanka u dhiibay weeraryahanka reer Argentina ee Julian Alvarez oo kusoo bilowday afka hore ee weerarka, halka uu Nino oo difaaca uga ciyaarayay Fluminense uu si qaldan goolkiisa ugu leexiyey kubbad uu kusoo toogtay Phil Foden oo uu goolhaye Fabio dhaafiyey.

Pep Guardiola oo khabiir ku ah ku guuleysiga koobkan oo saddex jeer oo hore kusoo guuleystay xilliyadii uu joogay Barcelona (laba jeer) iyo Bayern Munich (hal mar) ayaa waxa uu diiday inay kooxdiisu nasiimo gasho oo ay yarayso weerarka, waxaana uu kusii hayay cadaadiska naadiga reer Brazil ee Fluminense oo u muuqanayay in aanay wax tababar ah samaynin toddobaadyadii u dambeeyey.

Rodri ayaa dhaawac lagaga saaray Manchester City oo tababare Pep Guardiola ka dhabqiyey farxadda iyo dabbaal-degyada, laakiin waxa kubbad-burburiyaha reer Spain lagu maamuusay ciyaartoygii ugu fiicnaa intii uu tartanku socday.

Phil Foden iyo Julian Alvarez ayaa labada gool ee kale ee Manchester City dhaliyey 20kii daqiiqadood ee ugu dambeeyey gudahooda, waxaana sidaas ay Manchester City ku qaadday Koobka Naadiyada Yurub.