Kulan aan loo ogoleyn warbaahinta Madaxa banaan ayaa maanta dhex marey Guddida koomishanka Doorashooyinka Somaliland,Saddexda Xisbi qaran iyo Ururada siyaasada ee 10ka ah in kasta oo ay Jireen ururo ka maqnaa Kulankani.
Ururada Shacabka iyo Rejo oo kamid ah Ururadii ka qayb galey Kulankan ayaa warbaahinta usheegay inay kawada hadleen halka ay marayaan hawlaha udiyaar garawga doorashooyinka .