Dhawaqa rasaasta iyo madaafiicda culus ayaa maalintii labaad ka socda guud ahaan magaalada Khartoum ee caasimadda dalka Suudaan, iyadoo ay dhakhaatiirtu sheegeen in ugu yaraan 56 qof oo rayid ah lagu dilay dagaal u dhexeeya ciidamada iyo xoogag hubeysan oo ka soo horjeeda.
Dagaalka ba'an ee Axaddii ayaa yimid iyadoo Mareykanka, Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta ay ugu baaqeen dhinacyada iska soo horjeeda "in ay si degdeg ah u joojiyaan colaadda shuruud la'aan".
Goob joogayaal ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in dhawaqa madaafiicda culus ee lagu garaacayo guud ahaan magaalada Khartoum, magaalada isku xigta ee Omdurman iyo Bahri oo ku dhow ayaa sii socday subaxnimadii Axadda halka talefishinka Aljazeera uu muujinayo daruuro qiiq ah oo dul heehaabaya caasimadda.
Ururka Dhakhaatiirta Suudaan ayaa sheegay in ugu yaraan 56 qof oo rayid ah ay ku dhinteen 595 qof oo ay ku jiraan dagaalyahanno ay ku jiraanna ay ku dhaawacmeen tan iyo markii uu qarxay dagaalka u dhexeeya milatariga iyo ciidamada Taageerada degdega ah (RSF).
Like this:
Like Loading...