kenya oo Gacanta ku dhigtay rag doonayey inay ku biiran Ururka Daacish.

Kenya ayaa gacanta ku dhigtay Rag Isku Dayey in ay ku biiraan Daacishta Puntland
Ciidanka Ammaanka ee Kenya ayaa sheegay in ay qabteen saddex nin oo doonayey in ay tagaan Somalia, si ay ugu biiraan ururka Daacishta ku sugan Soomalia.
Dacwad ayay dawladda Soomaaliya ka gudbisay saddexdan nin oo la qabtay xilli ay u socdeen in ay ku biiraan kooxda Daacish ee ka dagaalanta Puntland, taasoo daboolka ka qaadaysa saameynta kooxaha argagixisada ah ee ku soo badanaya Afrika.

Laba nin oo walaalo ah oo lagu magacaabo Ayub Bwanaadi, 32 jir ah, iyo Mohammed Bwanaadi, 22 jir ah iyo sidoo kale Kassim Ahmed, oo 29 jir ah ayaa lagu xiray Ismaamulka Isiolo 7-dii April iyaga oo la socday bas ku sii jeeday Mooyaale oo ay wateen Ciidanka la dagaalanka Argagaxisada (ATPU).

Saddexdan qof ayaa baxsad ka ahaa booliska kadib markii lagu soo oogay dambiyo, waxaana lagu tuhunsan yahay inay dambiyo ka geysteen gobolka Lamu oo ay ka soo jeedaan.