
Kaddib kulankii Riyaad, Madaxweyne Trump oo lagu wado inuu bishan gudaheeda kullan la yeesho dhiggiisa Madaxweyne Putin.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in sida u badan tahay bishan la kulmi doono Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, isla jeerkaana si dadban eedda duullaanka Ruushka dusha uga saaray Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy.
Trump oo la hadlaayay warbaahinta kaddib markii wakiillo ka kala socda Mareykanka iyo Ruushka ay wadahadallo ku yeesheen Sacuudi Carabiya, ayaa iska daadafeeyay cabashada Ukraine ee ku saabsan in aan lagu casuumin wadaxaajoodka lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka Ukraine.
“Waxaan aaminsanahay in aan awood u leeyahay inaan soo afjaro dagaalkan, waana qabaa in dadaalkaasi si wanaagsan u socdo.”
Dhanka kale, wuxuu cambaareeyay cabashada Midowga Yurub ee ku aaddan in miiska wadahadallada laga reebay. Wuxuu ku dhaliilay in ay dayaceen fursad lagu hakin lahaa dagaalka saddex sanno jirsaday.
“Ma ahayn in uu dagaalku bilowdo. Waxay ahayd in aad heshiis gaashaan. Anigu, heshiis nabadeed ayaan u sameyn laha Ukraine.” Sidaa waxa yidhi Trump oo shir jaraa’id ku qabtay Florida.
Trump ayaa sheegay inuu rajo badan ka qabo in xal laga gaadho colaadda kadib wadahadalladii Riyaad, oo ay hogaaminayeen Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Marco Rubio iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka Sergey Lavrov.
“Wadahadalladu waxay ahaayeen kuwo midhodhal ah. Ruushku wuxuu rabaa in wax laga qabto dagaalka sii xumaanaya. ” ayuu yidhi.
Mar la weydiiyay in xukuumaddiisu taageeri doonto dalabka Ruushka ee ah in doorashooyin laga qabto Ukraine, Trump wuxuu si aan caddayn u sheegay in Zelenskyy uu haysto taageero aad u hooseysa, isagoo xusay in dalka Ukraine aysan doorasho ka dhicin maadaama uu jiro xukun degdeg ah (martial law).
Daraasad uu sameeyay Machadka Cilmibaadhista Kyiv bishii December ayaa sheegay in 52% shacabka Ukraine ay weli aaminsan yihiin Zelenskyy, inkasta oo kalsoonidaasi ay hoos u dhacday 12 dhibcood tan iyo bishii February.
Madaxweyne Donald Trump ayaa intaas ku daray in doorasho la’aan ta Ukraine ka jirtaa tahay mid caalami ah oo aan keliya Ruushka ka imaan.