Jadwalka Arsenal & Man City Ee Bisha April Oo U Faa’ido Weyn U Ah Gunners Iyo Liiska Kulamada Ay Ciyaarayaan

Ka haritaankii Arsenal ee tartanka Europa League aya faa’ido weyn u noqonaya marka loo eego Manchester City tartanka horyaalka Premier League

unners ayaa ka hartay tartanka Europa League, laakiin murugadoodii guuldaradii Sporting Lisbon waxaa ka dhaqday jadwalka horyaalka Premier League ee bisha soo socota oo la soo saaray shalay oo Sabti aheyd.

Natiijooyinkii Champions League, Europa League iyo Europa Conference League ayaa u ogolaaday maamulka Premier League inay soo saaraan jadwalka kulamada bisha April. Laakiin kooxda jadwalka ugu xun wajaheyso waa kooxda kaalinta labaad ee Manchester City taasoo faa’ido weyn u ah Arsenal.

City weli waxay ku jirtaa Champions League ka dib xasuuqii ay u geysteen RB Leipzig. Waxay wareega sideed dhamaadka la ciyaarayaan Bayern  Munich. City waligeed kuma guuleysanin koobka dhega weyne sidaasi darteed Guardiola waxaa ka go’an inuu culeys xoogan saaro koobka xilli ciyaareedkan.

Kulamada Man City ee bisha April

Manchester City vs Liverpool, April 1

Southampton vs Manchester City, April 8

Manchester City vs Bayern Munich, April 11

Manchester City vs Leicester, April 15

Bayern Munich vs Manchester City, April 19

Brighton vs Manchester City, April 23

Manchester City vs Arsenal, April 26

Fulham vs Manchester City, April 30

Fulham vs Manchester City, April 30

Kulamada Arsenal ee bisha April

Arsenal vs Leeds United, April 1

Liverpool vs Arsenal, April 9

West Ham vs Arsenal, April 16

Arsenal vs Southampton, April 21

Manchester City vs Arsenal, April 26

Arsenal vs Chelsea, April 29