Isreal oo Weerar ka geysatay Magaalada Rafax

Ciidamada Israa’iil ayaa duqeeyay magaalada Rafah ee koonfurta Qaza Jimcihii, iyo sidoo kale degaano kale oo ku teedsan dhulka go’doonsan, halkaas oo ay ku dileen ugu yaraan 45 falastiiniyiin ah, ka dib markii ciidamada ay dagaal rubuc dhow la galeen mintidiinta Xamaas, sida ay sheegeen dadka deegaanka iyo militariga Israa’iil.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in Israa’iiliyiintu ay u muuqdeen kuwo isku dayaya in ay dhamaystiraan qabsashadeeda magaalada Rafah, oo xuduud la leh Masar, waxana ay ahayd bartilmaameedka weerarka Israa’iil tan iyo horraantii bishii May.

Taangiyada ayaa xoog ku galayay galbeedka iyo waqooyiga magaalada, iyagoo horey u qabsaday bari, koofur iyo bartamaha.
Rasaasta ay ridayaan diyaaradaha, taangiyada iyo maraakiibta ee xeebaha ayaa sababay in dad badan ay isaga qaxaan magaalada, oo bilo ka hor ay gabaad u ahayd in ka badan hal milyan oo qof oo barakacayaal ah, kuwaasoo intooda badan hadda dib u guuray.
Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in ugu yaraan 25 falastiiniyiin ah lagu dilay Mawasi oo ku taal galbeedka Rafah, 50 kalena lagu dhaawacay. Falastiiniyiintu waxay sheegeen in madfac taangiga ah uu ku dhacay teendho ay deggan yihiin qoysas barakacayaal ah.