Isa’iil oo war kasoo saartay weerarkii lagu so qaadey dhawaan

Wasiirka arrimaha dibadda Israel Yoa Gallant ayaa sheegtay in ay casharo ka baranayaan weearkii Xisbullah ee Axadii kaas oo ay ku dhinteen afar askari

Wuxuu booqasho ku tagay goobtii la weeraray oo ah meel u dhow Binyamina, una jirta 33 kiilomitir magaalada koonfurta ee Xayfa.

“Waa in aan baarnaa oo aan eegnaa faahfaahinta, aana hirgelinaa tallaabooyin degdeg ah” ayuu yiri wasiirka oo intaas ku daray in ay xoogga saarayaan dadaallo lagu sameynayo xal wax looga qabanayo khatarta diyaaradaha aan duuliyaha laheyn.

Dhinaca kale, waxay Israel sheegtay in ay duqeeyeen 200 oo gooboold oo xisbullah ku leedahay Lubnaan. IDF waxay sheegeen in ciidamadooda cirka duqeeyeen bartilmaameedyo Xisbullah leedahay.

Dhinaca Gaza, IDF waxay sheegeen in ciidamadooda ay “ciribtireen argagixisada” iyagoo hawada ka duqeeyay waxay sidoo kale sheegeen in ay heleen godadka hubka Xamaas.

Wasaaradda caafimaadka Gaza waxay sheegtay in 24-kii saac ee la soo dhaafay la dilay 62 qof iyadoo ay dhaawacmeen 220.