Horyaalka LaLiga Oo Lagu Samaynayo Isbeddel Weyn Oo Aan 30 Sannadood Ka Dhicin

Horyaalka waddanka Spain ee LaLiga waxa uu xilli ciyaareedka dambe soo laaban doonaa isga oo ka duwan sida uu hadda yahay, waxaana loo samayn doonaa naqshad cusub oo calaamadda ah oo iyadoo laga guurayo calamaadda ay jiilasha da’yarta  ah ku garaadsadeen ee horyaalkan.

30kii sannadood ee ugu dambeeyey, waxa horyaalka LaLiga uu lahaa calaamadda kaliya ama Logo-da ay isku-tallaabtu saaran tahay ee hadda laga guurayo, taas oo marba midab loo yeeli jiray.

30kii sannadood ee ugu dambeeyey, waxa horyaalka LaLiga uu lahaa calaamadda kaliya ama Logo-da ay isku-tallaabtu saaran tahay ee hadda laga guurayo, taas oo marba midab loo yeeli jiray.

Taageereyaasha kubadda cagta oo falcelin ka sameeyey ayaa sheegay in aanay sugi karaynin inta uu bilaabmayo xilli-ciyaareedka cusub, si ay u arkaan astaanta cusub ee horyaalka LaLiga oo shaqaynaysa.

Afhayeen u hadlay LaLiga ayaa sheegay in astaanta cusub ee horyaalka LaLiga laga wada shaqaynayo beddelkeeda, laakiin waxa uu diiday in uu xaqiijiyo haddii ay midda hoos ku qoran tahay astaanta saxda ah ee uu horyaalku yeelanayo.