Hogaanka TPLF oo war cusub soo saaray.

Hogaamiyihii jabhadii hore ee Ethiopia, Tigray People’s Liberation Front (TPLF), Debretsion Gebremichael, ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo qabto doorasho ka dhacda gobolka Tigray.

Waxa uu sheegay in maamulka ku meel gaarka ah uu maamuli karo oo kaliya inta u dhaxaysa lix bilood ilaa sanad, iyadoo la raacayo heshiiskii lagugalay Pretoria, sida uu ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook Isniintii.

Wuxuu ku nuuxnuuxsaday in ay qasab tahay in shacabka Tigray ay hogaamiyaanmadax ay iyagu doortaan.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka ku meel gaarka ah oo ku aadan hadalka gudoomiyaha TPLF.