Ismaaciil Haniyeh oo lagu dilay Iran.
Wararka ka imaanaya dalka Iran ayaa sheegaya in magaalada Tehran ee caasimada dalka Iran lagu dilay madaxii siyaasada ee ururka Xamaas Ismaaciil Haniyeh Alle ha u naxariisto.
Wararka ayaa intaa ku daraya in Haniyeh iyo mid ka mid ah ilaaladiisa la dilay kadib markii lagu weeraray dhismihii ay ku sugnaayeen.
Bayaan ka soo baxay Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ayaa lagu sheegay in Haniyeh uu u joogay Tehran si uu uga qeyb galo xafladda caleema saarka madaxweynaha cusub ee Iran Masoud Pezeshkian.