Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa safar shaqo ku tagay magaalada Mariupol ee dalka Ukraine ee ku taal gobolka Donetsk oo ay ciidamada Moscow qabsadeen tan iyo bishii May ee sanadkii hore.
Putin ayaa diyaarad helicopter ah ugu duulay Mariupol, wakaaladda TASS ayaa Axaddii sheegtay, iyadoo soo xiganaysa Kremlin-ka.
Putin waxa uu watay baabuur waxa uuna ku soo wareegay dhowr degmo oo magaalada ah, isaga oo joogsiyo sameeyay lana hadlay dadka deegaanka, ayay hay’addu sheegtay.
Wararka ku saabsan booqashada Mariupol ayaa timid maalin kadib markii hogaamiyaha Ruushka uu u safray Crimea si uu u xuso sanadguuradii sagaalaad ee ka soo wareegatay markii gacanka Badda Madow lagala wareegay Ukraine. TV-ga qaranka Ruushka ayaa soo bandhigay isaga oo booqanaya magaalada dekedda leh ee Sevastopol sabtidii, isaga oo uu weheliyo badhasaabka maxalliga ah ee Moscow ay magacawday, Mikhail Razvozhayev.