Hoggaamiyaha Mucaaradka Kenya Raila Odinga ayaa ku dhawaaqay fasax dadweyne oo maalinta Isniinta ah ee 20-ka bishan ka dhaqangalaya dalka Kenya, waxaana hadalkan uu jeediyay xilli uu la hadlayay taageerayaashiisa.
Dalka Kenya, wali waxaa kasii socda dibadbaxyada ay dhigayaan masuulyiinta xisbiga Azimio iyo taageerayaashiisa kaasoo doorashadii sanadkii hore looga adkaaday, balse dhowaan shaaciyay inay qaaddaceen natiijada doorashada oo aaneyn Madaxweyne Ruto u aqoonsanayn Madaxweyne.
Wasiirka Difaaca Kenya Aden Barre Ducaale ayaa sidoo kale sheegay in Raila uu doonayo in laga qeybgalo dowladda Madaxweyne Ruto balse ay iyagu diidan yihiin.