Hay’adda samafalka caafimaadka ee MS oo lagu qasbay in ay joojiso shaqada ay ka waddo Darfur.

Hay’adda samafalka caafimaadka ee MSF ayaa sheegtay in lagu qasbay in ay joojiso howliha caafimaad ee ka wadday xero weyn oo ku taalla Waqooyiga gobolka Darfur ee dalka Sudan, halkaas oo ay ku nool yihiin boqollaal kun oo ruux oo ku barakacay dagaalka sokeeye ee dalkaasi ka socda.

Xerada Zamzam ayaa dhawaan la xaqiijiyay in ay ka dhex dillaacday macluul kaddib gaajo xoog leh oo soo food-saartay dadka barakaca ah sababo la xiriira colaadda iyo go’doomin ay halkaasi geliyeen garab ka mid ah dhinacyada dagaallamada.

MSF waxa ay sheegtay in ay joojisay dhaqdhaqaaqii ay ka waday xerada Zamzam ka dib markii ay is gargaarki u yaallay deegaanka Al Fashir ay is hortaag ku sameeyeen malleeshiyada kooxda Gurmadka Degdegga ee loo soo gaabsho RSF, kuwaas oo dagaal kula jira ciidamada qalabka sida ee Sudan.

Ciidanka milatariga Sudan ayay sidoo kale ku eedeysay MSF in ay si nidaamsan u xannibayaan gargaarka yaalla meelaha ka baxsan gacantooda. Ka bixista MSF ee xerada Zamzam ayaa khatar gelin karta carruur badan oo lagala tacaallayo nafaqo darro, kuwaas oo ay dhici karto in ay u dhintaan macluul.

Xerada Zamzam ayaa ku nool ilaa 450,000 oo ruux oo barakac ah. Sida ay MSF sheegtay, dadkaasi ayaa bil kasta u baahan ugu yaraan ilaa 100 gaadiidka waaweyn ee xammuulka ah oo cunto ah.

Dagaalka sokeeye ee Sudan ee u dhaxeeya Ciidanka Millatariga iyo RSF ayaa socda muddo 18 bilood ah. Wuxuu sababay masiibo bani’aadannimo oo ballaaran oo ay ku jiraan barakac iyo qax ku yimid in ka badan 10 milyan oo reer Sudan ah.