Dadkii ku baroor diiqaayay aaska haweeney da’ ah oo u dhalatay dalka Ecuador ayaa aad uga naxay markii ay ogaadeen in ay wali nooshahay.
Bella Montoya, oo 76 jir ah, ayaa lagu dhawaaqay inay dhimatay todobaadkii hore ka dib markii looga shakiyay inuu istaroog ku dhacay.
Markii ay qaraabadeedu isu diyaarinayeen inay dharka ka beddelaan ka hor inta aan la aasin ayaa la arkey iyada oo neefsaneysa.
Ms Montoya ayaa hadda ku soo laabatay cisbitaalka iyadoo ku jirta qaybta daryeelka ee dadka aadka u liita loogu talo galey , wasaaradda caafimaadka Ecuador ayaa waxay guddi u saartay dhacdadan.
War qoraal ah oo ay wasaaraddu soo saartay ayay ku sheegtay in haweenaydu uu wadnahu istaagay taas oo sababtay in neefta iyo shaqada wadnuhuba istaagaan – oo aanay ka jawaabin isku dayo ay dhaqaatiirtu sameeyeen oo ahaa in dib loo kiciyo.
Dhakhtarkii shaqada ku jiray ayaa waxa uu xaqiijiyay dhimashadeeda.
Wiilkeeda, Gilber Rodolfo Balberán Montoya, ayay warbaahinta maxalliga ahi ka soo xigatay in hooyadii la seexiyay abbaare 09:00 subaxnimo, duhurnimadiina dhakhaatiirtu u sheegeen in ay hooyadii dhimatay.
Ms Montoya ayaa markaas kaddib lagu riday naxash muddo saacado ah ilaa ay markii dambe ay xubno qoyskeeda ka tirsan arkeen iyadoo isku dayaysa in ay neefsato.
Muuqaal la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya iyadoo dhex jiifta sanduuq furan oo neefsanaysa dhowr qofna ay hareeraheeda ku soo xoomeen.
Dhakhaatiirta caafimaadka ayaa markaas la arkayay iyaga oo imaanaya oo eegaya Ms Montoya ka hor inta aysan saarin barele oo ay gelin ambalaas.
Hadda waxay ku jirtaa a qeypta daryeelka degdegga ah isla cusbitaalka ay dhakhaatiirtu ku caddeeyeen dhimashadeeda.
Wakaaladda wararka ee AFP ayaa ka soo xigatay Mr Balberán isagoo leh: “Wax yar ayaan ka fahmayaa waxa dhacay, hadda waxaan kaliya u duceeyaa in hooyaday caafimaadkeeda uu soo hagaago, waxaan rabaa in ay noolaato oo aan garab istaago.”