Haweenay Dalxiise ahayd oo Maroodi diley .

Haweeyney dalxiise ah oo ka timid gobolka New Mexico ayaa waxa dilay Maroodi, kaddib markii gaadhigii ay la socdeen ay weerarreen koox moroodiyaal ah dhulka keynta ah ee wadanka Zambia
Maroodiga ayaa weerar ku qaaday Juliana Gle Tourneau oo 64 jir ah markii ay gaadhiga ka dagtay, sida saraakiisha wadankaasi sheegeen.
Tan ayaa noqonaysa dhacdadii labaad ee uu ku dhinto qof Maraykan ah oo dalxiise ah Koonfurta Qaarada Afrika sanad kan.

Saraakiisha Zambia ayaa kula taliyay dalxiisayaasha in ay taxadar gooni ah qaataan xiliyada ay tagayaan goobaha xayawaannada halista ahi joogaan