Dekedda Berbera, ayaa horumar weyn samaysay muddooyinkii u dambeysay, iyada oo qiimayn la sameeyey sannadkii 2022-ka la sheegay in ay Afrika iyo Adduunka kaalmaha hore ka gashay.
Dekadda Berbera ayaa noqotay dekedda 2aad ee ugu wanaagsan Dekaddaha Wadamada ka hooseeya Saxaraha Afrika.
Qiimayn uu Dekeddaha Adduunka uu ku sameeyey Baanka Adduunku ayaa lagu sheegay in Waxqabadka Dekeddaha Aduunka ee u Adeegga Kontaynarrada ay Dekedda Berberi 2022 ka gashay kaalinta 144. Taasi oo ka dhigan in ay 40 kaalmood kor u soo kacday marka loo eego sanadkii 2021, kaas oo ay kaalinta 184 ku jirtay, halka ay sanadkii 2020 gashay kaalinta 245.
Dhinaca kale, Dekadda Berbera ayaa kaalinta 2aad u gashay Dekaddaha Wadamada ka Hooseeya Saxaraha Afrika. Halka ay sanadkii 2021 kaga jirtay kaalinta 7aad.
Dekedda Jabuuti, ayaa ka horeysay oo kaalinta koowaad ka gashay Waddamada ka hooseeya saxaraha ee Afrika.