Vinicius Junior ayaa garab weyn ka helay ciyaartoyda kooxdiisa Real Madrid oo dhamaantood soo bandhigay farriimo ay ku garab istaagayaan, kaddib markii laacibkan lagu cunsuriyeeyey garoonka Mestalla ee Valencia kulankii xalay ay Real Madrid guul-darrada 1-0 ah kasoo gaadhay.
Waxay ahayd markii tobnaad ee xilli-ciyaareedkan oo kaliya ay taageereyaasha cunsuriyad ku smeeyaan xiddiga Brazil, waxaanay taasi keentay in hadda shaki la geliyo mustaqbalkiisa Real Madrid iyadoo ay si adag iskugu jawaabeen Madaxweynaha horyaalka LaLiga oo u muuqanaya inuu difaacayo dalkiisa iyo taageereyaasha cunsuriyadda samaynaya.
iyaartoyda baraha bulshada ku garab istaagay Vinicius Junior ayaa Antonio Rudiger, Aurelien Tchouameni, Karim Benzema, Dani Carvajal iyo ciyaartooyo kale oo meelo kale ka ciyaara, sida Achraf Hakimi, Neymar, Kylian Mbappe iyo halyeygii Brazil ee Ronaldo Nazario.
Laakiin waxa uu hadalka ugu adag kasoo yeedhay goolhaye Thibaut Courtois oo sheegay, in haddii uu Vinicius Junior go’aansado in aanu ciyarin oo uu garoonka iskaga baxo, in isaguna uu raaco oo uu dibedda uga bixi doono garoonka, isaga oo xusay in garoomada Spain noqdeen meelo la isku caayo. Courtois oo la hadlayey warbaahinta ayaa yidhi: “Maanta kubadda cagtu waxay noqotay meel la isku caayo oo ay kooxuhu kugu oorinayaan. Haddii uu Vinicius ii sheego in aanu doonayn in uu ciyaaro aniguna waan iskaga baxayaa garoonka.”