Gudoomiyaha xisbiga ucid eng Faysal cali waraabe oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada hargeysa ayaa ka hadlay mawqifka xisbiga ucid ee dagaalka somaliland la gashey maamulka putland wuxuuna hambalyeeyey ciidamada milateriga somaliland oo uu ku tilmaamey kuwo aan waligood laga guuleysan”“Ciidanka Majeerteeniya ee kusoo qul’qulaya Laascanood dib ha u raacan taariikhda ciidanka Somaliland waligood lagama adkaan, taarikhda lama hayo meel layidhi ciidanka Somaliland ayaa lagaga adkaaday.
Waxa Laascanood isku laynayaa waa gudida isku uruursatay isir ahaan ee G21 ee ay madaxda ka yihiin Faarax macalin, cabdiwali Gaas,raysalware hore Cabdirashiid iyo dawlada Somaliland.
Waxaan hambalyo udiraya Ciidanka geesiyaasha qaranka” Ayuu yidhi gudoomiye faysal cali waraabe