Golaha wakiilada somaliland oo si adag uga hadley Sababta uu uhor iman waayey Xeer ilaaliyaha Somaliland.

Fadhigii Maanta ee Golaha wakiilada somaliland ayaa waxay Mudanayaasha Golahaasi si weyn uga Hadleen sababta uu maanta u hor iman Waayey Xeer ilaaliyaha somaliland.

Warqad uu ku sababeeyey Baaqashadiisa ayuu Xeer ilaaliyuhu usoo Gudbiyey Golahaasi waxaana U akhriyey Xoghayaha Golahaasi.

Dood dheer kadib mudanayaasha Golahaasi waxay Cod Aqlabiyad leh ku diideen

1: Ansixinta Xadhiga xildhibaan Maxamed Abiib

2: waxay diideen Waraaqda Loo soo gudbiyey.

Geesta kale Golaha wakiilada Somaliland ayaa isku raacey in Waraaq jawaab celin ah loo gudbiyo Xeer ilaaliyaha.