Fadhigii Golaha Wakiilada Somaliland oo lagu kala kacey.

Kal fadhi aan caadi ahayn ayaa maanta ufurmay xildhibaanada Golaha wakiilada somaliland waxaana ay goaan ka gaadhayeen Kiis Dacwadeedka laga soo gudbiyey xildhibaan Maxamed Abiib Yusuf oo Gobolka Awdal kasoo jeeda.

Fadhigan maanta ayaa waxa soo xaadirey 49 Mudane iyada oo la doonayey inay yimaadaan 55 Xildhibaan oo ah tirada loo baahan yahau si ay ugu codeeyaan in Xasaanada laga qaado xildhibaan Maxamed Abiib.

Si kastaba waxaa dib loogu balamay kal fadhiyada Soo socda in Arintaasi lagu soo gabagabeeyo.