Chelsea ayay dhibaato weyni ka haysataa dhinaca weerarka, waxanay afartii bilood ee ugu dambeeyey dhaliyeen lix gool oo kaliya, taas oo ka dhigaysa naadiga ugu weerarka xun horyaalka Premier League.
5 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah oo kasoo bilowday bishii November, Chelsea ayaa kaliya dhalisay lix gool, kuwaas oo kaliya saddex ka mid ahi ay ahaayeen horyaalka Premier League.
Ma jirto koox ka liidata Chelsea laga soo bilaabo November 6, waana kooxda ugu goolasha yar, waxaanay isku goolal yihiin Fred oo lix gool u dhaliyey Manchester United tan iyo waqtigaas.
Khadka dhexe ee reer Brazil oo aan lagu aqoonin gool dhalinta, ayaa dhawr jeer shabaqa soo taabty bilihii ugu dambeeyey, waxaana markii la eegay ay isku mid noqdeen tirada goolashii ay Chelsea dhalisay.
Marka kooxo ahaan la isku barbar-dhigo, Manchester United waxay dhalisay 53 gool muddadii ay Chelsea dhalinaysay lixda gool ee kaliya, waxaana saddex jibbaar ka goolal badan Marcus Rashford oo 18 jeer shabaqa soo taabtay laga soo bilaabo November 6.
Manchester City iyo Arsenal aya iyaguna shan jibbaar ka goolal badan Chelsea tan iyo November 6, halka Leeds United ay dhalisay 20 gool, waxaanay 14 gool ka badan tahay Blues.
Erling Haaland, Harry Kane, Riyad Mahrez, Mo Salah, Ivan Toney, Ollie Watkins, Eddie Nketiah iyo James Ward-Prowse ayaa iyaguna a dhamaantood ka goolal badan Chelsea afartii bilood ee ugu dambeeyey.
Graham Potter oo lacago badan ku kharash gareeyey suuqa iibka ciyaartoyda, ayaan lixdii ciyaarood e eugu dambeeyey dhamaan tartamada wax guul ah keenin, halka 16kii ciyaarood ee Premier League ee uu isagu hoggaaminayay ay kaliya laba jeer badiyeen, waana sababta ay u fadhiyaan kaalinta tobnaad ee miiska kala-sarraynta.