Faa’iidada Caanaha Geela iyo Cudurada uu dawada ka yahay .

Caanaha geelu waa kuwo nafaqo badan oo lagu noolaan karo kaliigood, waxaa ku jiro nafaqooyinkii jirku u baahnaa. waxay geli karaan badalka cuntada iyo cabitaannada.

Caanaha geelu waxay qani ku yihiin fitamiin B3, fitamiin C, iron, calcium, potassium, copper, magnesium iyo zinc, waxaa kaloo ka buuxo barootiin faro badan iyo maadooyinka sun-saarista, waxaa ku yar sonkorta caanaha ee laktoos taas ka dhigaysa in caanaha geela ay cabbi karaan dadka qabo cillada u dulqaadasho la’aanta laktoos (lactose intolerance).

Daaweynta dhiig yarida:

Caanaha geela waxaa ka buuxo birta (iron) taas oo ka hortagta dhiig yarida. Iron-tu waa macdan muhiim ah oo kordhisa dhiigga cas islamarkaana unugyada jirka siisa oxygene. Dumarka umusha ah ayaa lagula taliyaa inay cabbaan caanaha geela.

Daawaynta sonkorowga:

Caanaha geelu waxay uu fiican yihiin cudurka sonkorowga gaar ahaan nooca 1-aad, waxay caawiyaan isu-dheellitirka iyo nidaaminta heerka insulin-ta. Cabbista caanahaan oo la joogteeyo waxay ka hortagtaa cudurka sonkorowga.

Koriimada:

Waxaa caanaha geela ka buuxo barootiinno, kawaas oo gacan ka gaysta koriimada lafaha iyo xubnaha jirka. Caanahaani waxay u fiican yihiin koriimada caruurta iyo tayaynta jirka dadka waa wayn waxaa ku jira maadooyin adkeeya lafaha.

Caafimaadka lafaha iyo dedejinta kabniinka:

Waxaa caanahaan ka buuxo barootiin aad u badan, waxay kobciyaan difaaca jirka khaasatan kuwa u qaabilsan bogsashada dhaawacyada iyo jabniinka lafaha, waxaa caanaha geela ka buuxo maadada calcium-ta iyo fitamiino kale oo muhiim u ah in lafahu adeegsadaan markii ay kabmayaan, hadduu qofka uu ahaa qof caanaha geelaha aad u cabo, badanaa ilaahay wuu ka badbaadiyaa jabniinka ka yimaado waxyaabaha fudud maadaama lafaha qofkaasi ay adag yihiin.

Daawaynta dhakaakaha (autism):

Autism waa cillad naafonimo maskaxeed ah taasoo curyaamisa awooda maskaxda caruurta. Caruurta ay hayso cilladaan waxay ka naafoobaan maskaxda ayagoo ay ku adag tahay inay hadlaan ama bulshada ay ku dhex noolyihiin la xiriiraan. Cillada autism waxay caruurta kadhigtaa kuwa aan xiiso u hayn shaqooyinka caadigaa ee caruurta qabato ama waxyaalaha caruurta kale ku ciyaaraan, Caanaha geela waxaa ku jiro walxo dabiici ah oo u fiican maskaxda maskaxda iyo ka hortagga difaaca jirka ee khalkhalsan. Cilmi baarisyo la sameeyay ayaa lagu arkay in cabbista caanahu geelu ay yarayso astaamaha autism-ka.

Xoojinta difaaca jidhka:

Barootiinnada iyo maadooyinka kale ee laga helo caanaha geela sida fitamiin C-ga waxay xoojiyaan difaaca jirka, iyagoo la dagaallama infekshannada.

Ka hortagga calaamadaha duqnimada:

Caanaha geella waxaa ku jirto maaddo la yiraahdo “alpha-hydroxyl acid” taas oo caawisa dib u dhigista gabowga, iyadoo ka hortagta calaamadaha duqnimada sida laalaabka jirka.

Miisaan dhimista:

Caanahaan waxaa ku yar dufanka, waxaa ku jiro fitamiinno iyo macdano jirka sunta ka nadiifiyo taas oo qayb qaadanaysa miisaan ridista.

FG: Caanaha Geela waxaa mararka qaar laga qaadaa jeermisyo halis ah oo caafimaadka ama noloshaba qatar gelin kara, taasi waxaa sabab u ah dadka geela lisa badankood oo aan nadaafadda ku dadaalin, gacmahane iska dhaqin, sidoo kale weelasha lagu liso oo aan nadiif ahayn, waxaa intaa sii dheer geela waxaa la mariyaa sun si cayayaanka iyo cudurradaba looga daaweeyo, taasoo si sahlan caanaha ugu gudubto, intaasoo halis ah iyadoo ay jirto hadane caanaha geela lama karkariyo oo sidooda ayaa lagu cabaa, markuu qofka ku xanuunsadane horay dhakhtar kama tago illaa uu ka fuuq baxo iyadoo loo malaynayo shubankii lagu yaqiinay caanaha geela.