Elon Musk oo ku baaqay in la baadho kaydka dahabka Mareykanka ee Ku Kaydsan Xarrunta Aadka Loo Ilaaliyo Ee Fort Knox.

Elon Musk, oo ah ganacsade caan ah, ayaa ku baaqay in la baadho kaydka dahabka ee Mareykanka ee ku jira xarunta Fort Knox ee gobolka Kentucky. Musk ayaa sheegay in shacabka Mareykanka ay xaq u leeyihiin inay ogaadaan haddii dahabkii halkaas yaallay uu weli jiro.

“Dahabkaasi waa hantida shacabka Mareykanka! Waxaan dooneynaa inaan ogaano haddii uu weli halkaas yaallo,” ayuu Musk ku yidhi farriin uu ku daabacay baraha bulshada.

Baaqa Musk ayaa yimid kadib markii ay dad baraha bulshada isticmaala soo jeediyeen in la xaqiijiyo jiritaanka 4,580 tan oo dahab ah oo la sheegay inay ku kaydsan yihiin Fort Knox.

Waxa uu ku jawaabay in arrintaasi ay u baahan tahay in sannad walba la hubiyo.

Doodda uu Musk keenay ayaa soo jiidatay dareenka siyaasiyiinta, waxaana arrintaas taageeray Senatar Rand Paul, oo sheegay in la furo xarunta Fort Knox si baadhitaan dhab ah loo sameeyo.

Fort Knox waa xarun aad loo ilaaliyo, waxaana lagu kaydiyaa qayb ka mid ah hantida dahabka Mareykanka. Si kastaba ha ahaatee, waxaa muddo dheer jiray shaki laga muujinayo jiritaanka dahabkaasi, maadaama aanu jirin baadhitaan rasmi ah oo halkaas lagu sameeyay tan iyo 1974, taas oo ku beegan markii uu burburay heshiiskii Bretton Wood.

Xukuumadda Mareykanka ayaa horey u sheegtay in kaydka dahabka uu si buuxda u jiro, waxaana booqasho rasmi ah halkaas ku tagay Wasiirkii hore ee Maaliyadda Steven Mnuchin sanadkii 2017, isagoo sheegay inuu dahabku yaallo sidii loogu talagalay.

Ilaa iyo haatan, ma jiro wax war ah oo ka soo baxay xukuumadda Mareykanka oo ku saabsan codsiga Elon Musk. Waxaana la sugayaa in wasaaradda maaliyadda ay ka hadasho su’aasha ah in dahabkii Fort Knox weli yaallo iyo in kale.

Waxaa xusid mudan in Musk uu dhawaan loo magacaabay madaxa Xafiiska Hufnaanta Dowladda (DOGE), oo lagu sameeyo dib u eegis ku saabsan qaabka ay dowladda Mareykanka u maareyso hantideeda.

Si kastaba ha ahaatee, garsoore heer federaal ah ayaa dhawaan xannibay in Musk iyo kooxdiisu ay helaan xogta maaliyadeed ee la xidhiidha kaydka Wasaaradda Maaliyadda, taasoo sii xoojisay shaki laga qabo in hufnaan laga helo kaydka hantida dahabka ee Mareykanka.