Dunida oo heshiis cusub ka gaadhay shuruucda Badda.

Dunida oo heshiis cusub ka gaadhay shuruucda Badda.

Waddamada dunida, ayaa gaadhay heshiis taariikhi ah, oo lagu badbaadinayo badaha adduunka, kadib 10 sano oo wada xaajood ah.

Heshiiskan badaha, ayaa wuxuu dhigayaa 30% badaha in la ilaaliyo, marka la gaadho sanadka 2030-ka,iyadoo ujeedaduna tahay inay soo kabtaan noolaha kudhex jira, iyo deegaanka badduba.

Heshiiska ayaa la gaadhay , kadib wada hadalo qaatay 38 saacadood, waxaana lagu gaadhay xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Wada hadallada ayaa qaatey wakhti dheer waxaanay socdeen muddo sanado ah.
Heshiiskii caalamiga ahaa ee ugu dambeeyay ee ilaalinta badaha, ayaa waxaa la saxiixay 40 sano ka hor, oo ku began sanadkii 1982-kii – kaasoo ku asteysnaa sharciga Qaramada Midoobay ee badaha.

Heshiiskaasi ayaa waxa uu dhigayay aag lagu magacaabo qeybta badda sare, iyo biyaha caalamiga ah, oo dhammaan dalalku ay xaq u leeyihiin in ay ka kalluumaystaan, sidoo kalena maraakiibta iyo cilmi-baadhayaasha ayaa loo fasaxay.

Noolaha badda ku jira, ee joogga meel ka baxsan qeybaha la ilaaliyo, ayaa waxay halis ugu jiraan isbeddelka cimilada, kalluumeysiga xad-dhaafka ah iyo gaadiidka maraakiibta ee iyagu badda isticmaala .