Dawladda Hoose ee Caasimadda Hargaysa, ayaa isugu yeedhay qaar ka mid ah Culimada,Ganacsatada iyo Odoyaasha dhaqanka Caasimadda, Mudanayaal Gole Deegaan si ay ugu soo bandhigto qorshaha dhismaha waddada 150-ka oo dhererkeedu dhanyahay 13km, lacag ahaana la soo bandhigay in ay ku kacayso lacag dhan, 19 Million oo dollar. waddadani waxa ay isaga gudbaysaa afar Degmo oo ka mid ah Degmooyinka Caasimadda (Macalin Haaruun, Gacan libaax, 26june iyo I/Koodbuur).
Dawladda Hoose ayaa ilaa bilowgii sannadkan Waddday qorshaha dhismaha Waddadan, Waxaana lagu guulaystay in la helo nashqadda iyo qiimaha rasmiga ah ee lagu qiimeeyay in lagu dhisi karo waddadan. Waxa ay waddadani noqonaysaa Waddo ay iska kaashanayaan Xukuumadda dhexe, Dawladda Hoose, Ganacsatada, shacabka, Culimada dalka iyo beesha Caalamka wixii aynu ka helno.
waddada xaafada 150-KA ayaa dadweyne kala duwan ay ku eedeeyen in ay dhisamheeda ilowday Dawladda hoose ee hargeysa balse Talaabadan ayaa meesha ka saareysa cabashada waddan iyo dhaliilaha loo jeedinayoDawladda Hoose ee Hargeysa.