Magaalada Berbera ee Gobolka saaxil oo ka tirsan Somaliland ayaa saaka waxa ka jirta Dhibaato biyo Yarid ah oo soo foodsaartay Guud ahaan Magaaladaasi sida ay shaaciyeen Madaxda Wakaalada Biyaha Berbera .
Qoraal kooban oo kasoo baxey Maamulka Wakaalada Biyaha ee Berbera ayaa ay ku sheegeen” Dhamaan Bulshada Ku Dhaqan Magaalada Berbera Waxa la Ogaysiinayaa In Wakaalada Biyaha Berbera
Ay ka Wado Biyo Balaadhin Barumaha Ama Goobaha Ay Biyuhu Ka Yimaadaaan,
Taaso Sababtay Inay Yaraadan Biyaha Magaalada soo galaya.
FG: Ilaa hada waxan ka wadnaa Dedaalo dheeraada Xarumaha biyuhu ka yimadaan,
fadlan Noo Dulqaata intay shaqaddu socoto”
Maalmihii udambeeyey Magaalada Berbera waxa ka taagnaa Dhibaatada ay bulshadu ku qabtay Adeega Korontada oo Si weyn uga qayliyeen Bulshada magaalada Berbera kaasi oo aan illaa hadda Xal waara loo helin.